Madaxweyne Deni oo magacaabay gudoomiyaha cusub gobolka mudug

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay