Madaxweyne Deni oo ugu dambeyn ogolaaday in wadahadal uu la galo Mucaaradka kasoo horjeeda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa markiisii u horeysay shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu la garnaqsado mucaaradkiisa diidan hanaanka doorashada maamulkaasi uu wado.

Deni oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si cad u sheegay inuu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Shacabka oo Madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, Sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay wadahadal cidkasta oo qabta aragti ka duwan dimuqraadiyadda si loo qanciyo, wuxuuna cafis Madaxweyne u fidiyey dhammaan Saraakiisha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Jimcaale Takar iyo dhammaan Ciidanka ka qeyb qaatay qalalaasihii ka dhacay Garoowe. Isagoo muujiyey in Maamulka dhinacooda diyaar u tahay nabad in ay ku dhacaan Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada ee loo madlanyahay.

Waxaa Safarka Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ah Goleyaasha , Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale .