MUQDISHO-AYAAMAHA-Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.
Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.
Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.
Labada dal ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga ee dekedaha Badda Madow.
Cunno yaraanta soo food saartay caalamka ayaa loo aaneynayaa duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February ee sanadkan.
Heshiiska ayaa dhigaya in Ukraine ay maraakiibta ku hagto goobaha aan lahayn miinooyinka si ay badqad ugu safraan.
Waxaa arrintaa gacan ka siin doona Turkiga oo garwadeen ka ah heshiiska ay gaareen labada waddan.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah.
Dalaga beeraha gaar ahaan qamadiga oo si weyn looga baahan yahay guud ahaan caalamka ayaa ka xanniban maqaasiinno ku yaalla dekadda Odessa ee Ukraine.
Ku dhawaad 20 milyan oo tan ayaa lagu qiyaasay qamadiga ku xanniban dekadaas.
Ukrain ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah soo saarista Qamadiga, balse go’doominta ciidamada badda ee Ruushka ayaa curyaamiyay dhoofintii loo dhoofin caalamka intiisa kale.
Dublamaasiyiintu waxay sheegeen in sida uu dhigayo heshiisku, uu Ruushku aqbali doono xabbad joojin inta shixnadahu gudbayaan oo sii marayaan marinnada badda ee Ruushku uu joogo.
Turkiga oo dhexdhexaadiye ka ahaa heshiiskan– ayaa xiriirin doona heshiiska.
Maraykanka ayaa mabda’ ahaan soo dhaweeyay heshiiska, balse waxa uu sheegay in Moscow lagula xisaabtami doono dhaqan-galkiisa.
Heshiiska – oo qaatay labo bilood in halkan la joogo la soo gaaro– ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo 120 maalmood ah, iyadoo xarun isku-dubbarid iyo dabagal ah laga samayn doono Istanbul, oo ay ka shaqaynayaan saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, Turkiga, Ruushka iyo Ukraine.