Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta Oo Jabuuti Kulan Ku Dhexmaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isu keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo labada dal, kaddib markii dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.

Kulankan la isugu keenay labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa  khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona.

Ujeedka kulankan ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.