Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Qorshe Xalin Ah Uu U Gudbiyay Qoorqoor

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay dalab uga yimid Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), kaas oo ku saabsanaa  Ergadii uu keenay Madaxweyne Qoorqoor ee xalinta khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo.

Kulamo saacadihii la soo dhaafay Madaxweyne farmaajo iyo Madaxweynaha galmudug ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la isku fahmay in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday ergo uu u keenay Madaxweyne Qoorqoor ee ku saabsan xalinta khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in is faham laga gaaray in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor laga sugayo inuu jawaab inuu ka keeno Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, taasi oo ku aadan in wada-hadal laga yeelo khilaafka doorashada dalka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale dhici doono kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha doorashooinka dalka maadaama mudada xilheynta Madaxda Dowladda Soomaaliya uu gebo-gabo yahay loona baahan yahay inay dhacdo doorasho la isla ogol yahay.