Madaxweyne Farmaajo Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Ka Gaaray Qabashada Doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu amray in la qabto doorashada dalka weliba si deg deg ah, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in doorashada Aqalka Sare laga billaabi doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doona madaxda Galmudug iyo HirShabelle inay ku xejiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Magaalooyinkaan ayaa waxaana  la geyn doonaa ciidan kale oo aad u tiro badan.

Go’aankan cusub ayaa laba maalmood kahor waxaa gaaray Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ee ay kusoo saareen jadwal doorasho uu salka ku hayo amarka madaxweynaha, oo inta badan xubnaha guddigan ay yihiin taageerayaashiisa.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ah ninka ugu daacadsan ee ku xiran Villa Somalia, ayaa lagu amray inuu qabto doorashada, si uu waddada ugu furo Qoor Qoor iyoi Cali Guudlaawe oo weli shaki iyo cabsi qabda