Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Munaasabad Ka Socota Tiyaatarka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Munaasabad ka socota xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Munaasabadaan ayaa waxaa agu taageerayaa Qoondada Haweenka ee Baaralamaanka, waxaana la filayaa inuu munaasabada ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada doorashada iyo arrimo kale hataan ka taagan dalka.

Sidoo kale ammaanka waddooyinka soo gala Tiyaatarka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal la dhigay illaa Daljirka Dahsoon.

Waaberigii saaka ayaa magaalada Muqdisho waxaa aheyd xaalad kacsan, waxaana ciidamada amniga ay xireen waddooyin dhowr, iyadoo xaafado qaar ay ka dhaceen bannaan bax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.