Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Turkiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo  dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Antalya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka  qeyb gali doono shirka Madasha Diblomaasiyada Antalya.

Hayeeshee shirkan ayaa ah mid heer wasiiro arrimo dibadeed, waxaana sidoo ka qeyb gali doono Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay martida lagu casuumay shirka.

Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa inta u dhaxeysa 18-ka June illaa 20-ka isla bishan.

Sanadkan ayaa waxaa madashan diirada lagu saari doonaa xalinta dhibaatooyinka waaweyn ee ka jira aduunka.