Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyey Xulka Gobolka Banaadir.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daqiiqado yar kaddib markii ay ciyaartu dhammaatay u hambalyeeyay xulka Gobolka Banaadir ee ku guuleystay tartankii xiisaha badnaa.

“Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xulka Galmudug ku bogaadiyay in ay soo gaadheen ilaa heerka ugu dambeeya ee tartanka.

Cayaarta ayaa lagu kala baxay gool ku laad oo labada dhinac loo dhigay min shan, balse Xidigaha Xulka Galmudug ayaa iska qasaariyay saddex rigoore oo ay heleen

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa manadnaq ballaaran u jeediyay ciidamada amniga ee xaqiijiyay in ciyaaraha gobollada ay u dhacaan si nabad ah.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, maadaama ay ahayd kulanka kama dambeysta ah