Madaxweyne Guudlaawe Oo Amar Siiyey Laamaha Amniga Hirshabeelle

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa waxaa  ka qeybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare.