Madaxweyne hore Farmaajo oo isaga guuray Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka degay, wuxuna ka dagay dalka Turkiga, halkaasi oo uu joogi doono muddo aan la cayimin.

Waxaa safarka ku wehlisa marwadii koowaad ee hore Zeynab Macallin, waxaana lagu sheegay safar nasasho.

Xubnaha Farmaajo ku dhowa ayaa sheegay in weli aysan waxba iska beddelin qorshaha madaxweynihii hore ee ah inuu ku noolaado caasimadda, ee aanu noqon doonin dibadjoog, taasi oo uu ballanqaaday markii uu xilka ka degay.

Farmaajo ayaa degan guri kiro ah oo ku dhow garoonka Aadan Cadde, oo bishii ah $25,000. Waxaa jira qorshe ay taageerayaashiisa guri ugu dhisayaan oo la billaabay markii uu xilka ka degay, balse ma cadda halka uu qorshahaas ku dambeeyey.

Farmaajo hadda waa xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan golaha shacabka, taasi oo uu xaq u siinaya madaxweyne kasta oo dalka soo mara tan iyo markii ay dhalatay dowladda federaalka.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaweyne Farmaajo uu dalka Turkiga ka billaabi doono abaabul iyo mucaarad ka dhan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.