Madaxweyne hore oo xabsi daa’in loogu xukumay dilka hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamad militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.

Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore.

Compaore, oo dibad-joog ku ah dalka Ivory Coast kadib markii kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray 2014, iyo Kafando oo baxsad ahaa tan iyo 2016, ayaa la maxkamadeeyey ayaga oo maqaneyaal ah.

Maxkamadda oo socotay lix bilood ayaa waxaa si aad ah isha ugu hayey dad badan oo ku nool dalka aan badda laheyn ee ku yaalla gobolka Sahel, halkaasi oo dilkii Sankara ay ka tahay dhibic madow oo ku taalla taariikhda dalka.

Sankara oo aad u aaminsana falsafadda Marxist-Leninist, islamarkaana aad ugu dhaleeceyn jiray Reer Galbeed gumeysi cusub iyo laba wajiilenimo, ayaa toogasho lagu dilay 15-kii October 1987-kii, wax yar un ka badan afar sano markii uu xukunka yimid isagoo ah kabtan ciidan oo 33 jir ah.

Isaga iyo 12 saaxiibadiis ahaa ayaa waxaa koox hubeysan ayaga oo ku sugan xarunta Golihii Kacaanka Qaranka ee xukunka hayey.
Geerida Sankara oo aaminsanaa siyaasadda bidixda ayaa dhaawac ku aheyd xukunkii Compaore ee 27-ka sano.

Maxkamadda oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou ayaa Compaore, Kafando iyo Diendere dhammaantood ku heshay dambi ah inay dhaawaceen amniga dalka.

Compaore iyo Diendere ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah inay wax ka ogaayeen dilka, halka Kafando lagu helay dambi ah inuu fuliyey dilka.
Xukunkada lagu riday ayaa ka badan intii ay codsadeen dacwad-oogayaasha militari.

Waxay doonayeen in Compaore iyo Kafando lagu xukumo mid 30 sano, halka ay 20 sano u raadiyeen Diendere, oo hadda uu u socdo xabsi kale oo 20 sano ah oo uu ku muteystay isku day afgambi oo uu sameeyey 2015-kii.

Sideed eedeysanayaal kale ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya saddex illaa 20 sano, halka saddex eedeysane lagu waayey wax dambi ah.