Madaxweyne ku xigeenka galmudug oo farrin u dirtay guddiga doorashada mamaulkaas

DH-AYAAMAHA-Madaxweyne ku xigeenka galmudug Cali Daahir Ciid aya magaalada Dhusamareeb kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray magaladaas.

Kulankan oo qaatay saacado ayaa  Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid waxa uu kula dardarmay guddiga shaqada Hortaala in ay tahay Shaqo adag sidaa daraadeedna Galmudug ay tahay meelaha ugu adag ee uu ka jiro loolanka doorashada xildhibaanada sidaad darteed loo bahan yahay in si cadaalad ah loo maamulo doorashada.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Galmudug Maxamed Daahir ayaa isna  sheegay in ay si cadaalad ah wax ku maamuli doonaan ayna rajaynayaan in ay doorashadu u dhaco sida ugu wanaagsan.