Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la saftay Xasan Sheekh diidayna qorshihii Saciid Deni.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa si cad u diiday qorshaha muddo kororsiga ee wado Saciid Deni Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynayay sidii uu muddo kororsi u sameyn lahaa, si aysan doorashada kusoo food leh u qabsoomin.

Janaayo 8-deeda ee sanadka  soo socda 2024-ka ayaa ah waqtiga loo qorsheeyey in la doorto Madaxweynaha Puntland.

Axmed Karaash ayaa ku doodaya in haddii muddo kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland balse Saciid Deni ayaa keliya u muuqda xilka.

Qorshaha Saciid Deni ee muddo kororsiga waxaa gadaal ka riixaya guddoonka golaha wakiilada Puntland isagoo wax ka bedelka ku sameynayo Dastuurka Maamulkas.