Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdi samad Cali Shire.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuumka ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, balse dhawaan la keenay Magaalada Muqsisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdisamad Cali Shire oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland xilligii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay geedida ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

“Waxaan Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland.