Madaxweyne Mustafa “Al-Shabaab halkani ma aha halkay moodeen”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xaalad deggenaan ah ay ka jirtaa saaka deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer ee gobolka Shabeelle, halkaas oo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Liyuu boolis iyo  Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ay ciidamada Liyuu boolisku dagaal ku qaadeen mintidiin ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkaas isla markaana ay dib u riixeen oo ay xadka dhaafiyeen Al-Shabaabkii gudaha deegaanka soo galay.

Dadka ku nool aagga ay wax ka dhaceen ayaa ciidamada gaarka ah ee Liyuu boolis ku soo dhoweeyay halkaas, mana jirto cid shacab ah oo ilaa iyo hadda la sheegay in dagaallada ay wax ku noqotay.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya inay jiraan labo qof oo ah maxaabiis Al-Shabaab ah oo laga soo qabtay aagaggii uu dagaalku ka dhacay ee gobolka Afdheer, gaar ahaan degmada Qooxle.

Sida ay wararku sheegayaan maxaabiistaas waxaa la geeyay magaalada Godey.

Dhanka kale madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Al-Shabaab aanay khalkhal gelin karin amniga deegaanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta dab*d* ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu madaxweyne Mustafa ku soo qoray bartiisa Facebook.