Madaxweyne qoor qoor oo dalab cusub hordhigay safiirka UK Ee Soomaaliya

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha & Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysatay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.