Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay laba Sharci

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Wuxuu madaxweyne Qoor Qoor sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.