Madaxweyne Shariif Sheekh oo tacsiyeeyay geerida Senetor Gaagaab

Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay geerida naxtinta leh ee ku timid Allaha u naxariisteen Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, isaga oo tacsi u diray  qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehellada, Gollayaasha dowladda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee, Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ahaa Aqalka Sare” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Geerida Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa waxaa ka tacsiyeysay qaar kamid ah  masuuliyinta dowladda, madaxdii hore iyo siyaasiyiin  kale.

Marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo  wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi.