Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka Carabta

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu goor hore oo maanta ah u duulay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan qoyskiisa Iyo dad Kooban ayaa subaxnimadii Isniinta safarkiisa ku raacay diyaarad khaas ah.

Inkastoo aan la shaacin xogta dhabta ah ee safarka Madaxweyne Maxamuud, haddana ilo-wareedyo Ayaa sheegay in lagu wado inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Imaaraadka iyo Amiirka Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed..