Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka EAC.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidookale Madaxweynaha ayaa la filayaa in maalinta berri uu safar kale u ambabaxo, isaga oo ku sii jeeda dalka Masar oo ka mid ah dalalkii martiqaadka u soo diray kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha 15 May.

Safarka Madaxweynaha ee Masar ayaa noqonaya safarkii 7aad oo dibadda ah tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib usoo celinaya xiriirka dalalka Gobalka inkastoo walina uusan tagin dalka Itoobiya iyadoo ay xusid mudantahay in madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha aysan wali soo xulin Gulaha Wasiirada.