Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib Markii uu Kenya uga qayb galay caleema saarka maadaxwaynaha cusub ee dalkaas.

Madaxwaynaha ayaa isla maanta u safraya dalka Mareekanka uu uga qabgalaayo Shir looga hadlayo Arimaha Deyn cafinta Soomaaliya waxaana garoonka Aadan Cadde Hadda Taagan Diyaaraddii qaadi lahayd .

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadan doonto shaqaale cusub shan sano ka dib marka uu shirkaan soo dhamaado, iyadoonla ogyahay in dalka ay ka jirto shaqo la aan aad u baahsan.