Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Macamuud ayaa goordhow dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho hal maalin ah uu ku tagay dalka Jabuuti, booqashada ayaa aheyd mid lagu wanaajinayay xiriirkii xumaaday ee dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wararku waxaa ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh la filayaa in Maanta Gelinka dambe uu safar kale ku tago Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaas, isaga oo uga xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ee Jabuuti ayaa noqday kii shanaad ee uu dalka uga baxo, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u booqday, dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea iyo Kenya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in booqashooyinka uu Madaxweynaha ku tagayo dalalka Gobolka ay billow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Soomaaliya ee dalalkaas, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.