Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhoweyd ka degay magaalada Qaahira.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Waa socdaalkii 7aad oo dibadda ah tan iyo markii uu Xafiiska qabtay.

Madaxweynaha ayaa dhammaan safaradaas galayay, iyadoo aanay dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin, waxaana Ra’iisul Wasaare Xamse la rafanayaa dhismaha Xukuumad cusub, muddo 30 cisho oo u heystay inuu ku soo magacaabo ayaa berri ku eg, waxaana uu Guddoonka Golaha Shacabka ka dalbaday muddo 10 cisho dheeri ah oo berri codsigiisa la horgeyn doono Xildhibaannada si ay ugu ogolaadaan.