Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay  ka geysteen, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen dad Shacab ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay wiiqi doonaan awooda Ururka Al-Shabaab, isla markaana mar dambe Bisha Octoobar aysan qaraxyo ka dhici doonin Isgoyska Soobe ayna ka adkaan doonaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Madaxweynaha in dalalka taageera Soomaaliya ay  ka dalban doonaan inay usoo diraan dhaqaatiir Caafimaad iyo daawooyin, si gurmad loogu sameeyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxydii ka dhacay Muqdisho.