Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda Amniga Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in aan loo dulqaadan karin kooxaha dhibaatada ku haya dadka Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan laga daba imaan dadka dambilayaasha ah markii ay gacanta kusoo dhiggaan ciidamada Ammaanka dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan xabsi ku heyn doonin qof aan dambi laheyn sidaasi darted loo baahan yahay in fursad la siiyo baarista, waxaa uuna ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.

Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaal deegaan ka tirsan gobolka Sh.Hoose ku dhexmaray ciidamadda xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab, kaasoo khasaare uu ka dhashay.

Madaxweynaha oo ka hadlayay masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaalo madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib ayaa sheegay in deegaanka Jilib Marko uu ka dhacay dagaal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in dagaal yahano badan looga dilay weerarkaasi.