Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Masar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa la filayaa maanta iney socdaal dhowr maalin qaadanaya ugu ambabaxaan dalka Masar, wararka qaar waxey sheegayaan inuu madaxweynaha ka qeyb galayo xuska maalinta kacaanka dalkaasi ee 1952-dii.

Madaxweynaha ayaa shalay uun dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka EAC, iyadoo Masar ay ka mid tahay dalalkii martiqaadka u soo diray madaxweynaha kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha 15 May.

Dowladda Masar oo kamid ah dalalka Carbeed ayaa xiriirkooda xumaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa xilligaan wuxuu khilaaf xoogan oo la xiriira Wabiga Nile uu kala dhaxeeya dowladda Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, isla markaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amaanka, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Safarka Madaxweynaha ee Masar ayaa noqonaya safarkii 7aad oo dibadda ah tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay, hore waxa uu u aaday dalalka Imaaraatka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti, iyadoo wali aan la soo dhisin xukuumadda.