Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Turkiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay dalka Turkiga u ambabaxaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumaad ka helay Madaxda dalkaas..

Safarka oo Madaxweynaha ay ku wehlin doonaan Xubno Wasiiro ah ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxda Sare ee dowladda Turkiga, iyaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Turkiga ay qaadan doonto muddo Saddex Cisho ah, isla markaana Madaxda dalkaas uu la geli doono heshiisyo dhowr ah.

Waa safarkii labaad ee dalka dibaddiisa uu ku aadayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, waxaana uu safarkii ugu horreeyay ku tegay waddanka isugutaga Imaaraadka Carabta.