Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan mid kamid ah dowlad goboleedyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in beri oo khamiis ah u safro magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, si uu kulamo ula soo qaato madaxda maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wefdi horu dhac ah oo ay hoggaaminayaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa lagu wadaa in maanta gaaraan magaalada Garawe, wefdigan ayaana  sii diyaariya jadwalka shaqo ee Madaxweynaha inta uu Garawe joogo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garawe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu Hoggaamiyo Deni ka qabaan dowladda federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub.

Sida aan xogta ku helnay Ra’isul Wasaare Xamse ayuu qorshuhu ahaa in uu tago Puntland, hasa ahaatee Siciid Deni ayaa diiday safarka Ra’isul Wasaaraha iyo in uu qaabilo, waxa uuna taa badalkeeda sheegay in Madaxweynaha kala hadlayaan waxii tabasho ah ay qabaan.

Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.

Magaalada Garawe dhawwaan waxaa tagay saraakiil katirsan ciidamada dowladda Itoobiya, kuwaa oo Madaxweyne Deni kala hadlay arrimaha amniga gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.