Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaadanaya madaxda Imaaradka Carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisil wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilihii la soo dhaafay dib u soo nooleeyay xiriirka labada dal kadib markii uu go’naa tan iyo bishii April 2018, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.