Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay James Swan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, isagoo ugu hambalyeeyay in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha, iyo sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyay Xildhibaan Cali Balcad oo Agaasimihii hore Madaxtooyada ahaa iyo Xuseen Macalin oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal, una muuqdo inuu yahay La Taliye Sare.

Xuseen Macalin ayaa ahaa La Taliyihii u horreeyay Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo markii uu ku guuleystay doorashada 8 Febraayo 2017, bilooyin kaddib iska casilay, iyadoo lagu xusuusto sida weyn uu Maamulkii Farmaajo u mucaaradayay..