Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa dalka Masar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah kujooga dalka Masar ayaa la filayaa in uu halkaasi ka bilaabo la kulanka Madaxda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii maalin kahor ay xarunta Villa Soomaaliya shir ay albaabada u xirnaayeen ku yeesheen madaxweynaha, gudoomiyaha golaha shacabka iyo ra’iisul wasaare Xamse, iyadoo lagu go’aamiyay in baarlamaanka dib loogu laabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safar ugu ambabaxay dalka Masar ayaa 15-ka bishii hore ee June xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee UPD, kana soo jeeda Jubaland u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.