Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan Dhuusamareeb

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hogaaminaayo oo kusugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo safarkiisii ugu horreeyay ku tegay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Shalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo uu horkacayay Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo u sii gogol xaaraya soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xalay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Maamulka Koonfur Galbeed uu ugu qabtay Madaxweynaha Soomaaliya munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna sagootinayay, waxaana uu inta uu ku sugnaa Baydhabo uu kulamo la qaatay Madaxda ugu sareeysa Maamulka Koonfur Galbeed, Odayaasha Dhaqanka & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud ayaa silamid ah markii uu tago Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Galmudug, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Dhaqanka & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarada uu ku kala bixinayo dowlad Goboleedyada waxaa uu ku sheegay in uu yahay mid uu ku kuurgalayo xaaladaha kajira, waxaana dhawaan laga sugayaa in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub.