Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safar ku tegaya dalka Tanzania

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah safarkii lixaad oo dalka dibaddiisa ah waxaa uu ugu wajahan yahay dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa marti waxaa uu ku yahay Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah ee Madaxda EAC oo 21-ka & 22-ka July ka dhici doona Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Dowladda Soomaaliya ayaa la tilmaamay in  codsiga ka mid noqoshada dalladdan ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, balse wali aysan helin aqbalaada codsigaan.

Sidoo kale, dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Ka mid noqoshada dalladda Bulshada Bariga Afrika ee Soomaaliya ayey madaxtooyada ku sheegtay qodobo dhowr ah.