Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar-labaad dagaal cilaamiyey xili aan dagaal loo diyaarsaneyn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir guddoomiyay shirkii u horreeyay ee Amniga Qaranka, kaasoo looga hadlayay xaaladda Amni ee dalka iyo qorshayaasha dib u habeynta Amniga ee dowladdu damacsan tahay inay qaado, waxaa shirka warbixin looga dhageystay La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan a Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Guddiga Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Taliyeyaasha CQS.

Shirkan aan caadiga aheyn ee ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii Al-Shabaab ay weerartay Hotelka Xayaat, waxaana howlgal qaatay 30 saacadood lagu soo gabagabeeyay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan.