Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale Magacaabay Lataliye Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha Barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalka, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.