Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe lala damacsan yahay Ciidamada Macawiisleyda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay, waxaana Madaxweynaha uu baaq u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed eek u nool Qaraadda Yurub.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka lagu qabtay Magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howlgalka ka danka ah Al-Shabaab uu weli ka socdo dalka.

Waxaa uu sheegay in kaalinta ugu weyn ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay leeyihiin Ciidamada Macawiisleyda, isla markaana qorshahooda uu yahay sidii Ciidamadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Soomaalida kunool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taageeraan dagaalka dalka goobaha ay ka joogaan looga saarayo Al-Shabaab.