Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabixi doona safarkii ugu horeeyey ee dalka dibadiisa ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in todobaadkaan safarkiisa u horreeyay oo dalka dibaddiisa ah u ambabaxo, isaga oo ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa bud-dhig u noqon doona dib u dhalashada xiriirka Labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo aad u xumaaday sanadkii 2018 waqtigii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Imaaraadka ayaa la filayaa inay buuxiso booskii dowladda Qatar ku jirtay dhinaca taageerada ee dowladdii hore, inkastoo aanu xilligan jirin khilaafkii labada dal ee Khaliijka u dhaxeeyay.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa galaan gal weyn ku laheyd isbadelkii doorashada Madaxweynaha ee dalka ka dhacday islamarkaana ay diiday in dib loo soo doortay Farmaajo..