Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada-hadalladii ugu horreeyay la yeeshay Amiirka dalka Qatar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo khadka taleefoonka ah la yeeshay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkan 2022 Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Wada-hadallads intii ay socdeen ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ballan qaaday in dowladdiisa ay si dhow ula Shaqeyn doonto.

Dowladda Qatar ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa ay galaangal badan ku laheyd Siyaasadda Soomaaliya, iyada oo siweyn u taageereysay intii uu talada dalka haayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabrullaahi Farmaajo.