Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysigii ugu horeeyay bixiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa uga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga,Dib u heshiisiinta dalka,Ammaanka iyo arrimo kale.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo markale xilkan loo doortay ayaa ku tilmaamay shacabka Turkiga iyo Dowladiisaba in ay saameyn badan ku leeyihiin Soomaaliya.

“Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabteen quluubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taageeradaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay nafaf badan oo Soomaaliyeed . ” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo la hadlay wakaaladda Anadolu ee caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Turkiga uu taageero bini’aadantinimo uu siiyo Soomaaliya isla markaana tababaro heer sare ah siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Turkiga waxa uu bixiyaa tababaro uu siiyo saraakiil si tayo sare leh oo dhanka amaanka ah,iyado tababaro aan ku ekeyn Turkiga oo kaliya balse halkan Soomaaliya iyo qalabeynta,siinayana dhammaan agabka lagama maarmaanka u ah in ay ku fuliyaan waxa ay ku barteen Turkiga,”ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in Turkiga uu leeyahay mowqif gaar ah oo ku wajahan quluubta Soomaaliya.

“Arrinta ugu adag uguna dhibka badan ee ee Soomaaliya ka taagan waa ammaanka”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan.

Waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ah kooxihii la soo baxay bur burkii Maxkamadihii Islaamka ee la aas aasay dagaaladii sokeeye kadib.

Madaxweynaha cusub ee 66-jirka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed.

“Doorasho kasta waxaa ku jira kuwo laga adkaaday iyo kuwo guulaysta, waxa muhiimka ah ee doorashada ka dib waa in aan samayno hab lagu daweynayo oo kuwa laga guuleystay iyo kuwa guulaysta ay wada fadhiistaan, lagana tashado, lana wadaago mustaqbalka” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu  ballan-qaaday inuu dhageysan doono dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay doonayo inuu furo masraxa siyaasadda oo sannadihii u dambeeyay ahaa mid ciriiri ah oo xirnaa.

“Waa in mar kale horay loo sii wado dib u heshiisiinta, ma ahan dib-u-heshiisiinta bulshada ee waa dib-u-heshiisiinta, in la meel dhigo arrimaha la isku hayo, dadkana laga codsado inay si xor iyo xalaal ah uga wada hadlaan.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in arrimaha ugu muhiimsan ee ka dambeeya amniga ay yihiin xasillooni siyaasadeed iyo dhisidda dowlad dimoqraadi ah.

“Xasilooni siyaasadeed waxa ay ka dhigan tahay dhisidda aasaaska dowlad dimuqraadi ah, dhameystirka dastuurka, dejinta shuruuc doorasho, nidaamka xisbiyada siyaasadda,sharciyada, iyo nidaamka maamulka deegaanka.”

“Dhammaan kuwan waa inay ahaadaan ajande si heshiis ah loogu heshiiyey dadka Soomaaliyeed,” ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo muddo sanado ah ka howlgalayay gudaha dalka, ayna joogaan ku dhawaad ​​20,000 oo askari oo Afrikaan ah, ayuu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay qorsheynayeen inay dalka ka baxaan muddo dheer ka hor, balse aysan ku guuleysan.

Waxa uu xusay in ciidamada Midowga Afrika ay wax badan u soo qabteen Soomaaliya, isla markaana ay soo gaareen khasaare baaxad leh, ayna tahay in tallaabo-tallaabo loo qaado hannaanka amniga dalka ay suuragal tahay in muddo kooban lagu wareejiyo ammaanka.

Dhinaca kale, War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in si habsami leh ay ku soo dhamaadeen doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee Axadii ka dhacday Muqdisho.

“Waxaan u hambalyeyneynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u rajeyneynaa guul inta uu xilka hayo,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

“Waxaan muhiimad gaar ah siineynaa nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo qoto dheer, waxaana rajeyneynaa in natiijada doorashada ay noqoto mid u horseeda shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah” ayaa lagu daray.

“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka looga hirgeliyo amni, xasillooni iyo barwaaqo xilligaan cusub.   Xigasho;Anadolu.