Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli kulamo ka wada Garoowe

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Isimada & hoggaanka Dhaqanka Puntland ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiya6 xaaladda Puntland iyo sida loo xoojin karo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Puntland, iyaga oo sidoo kale talooyin u soo jeediyy Madaxweynaha.

Dhankiisa Madaxweynaha ayaa ku amaanay Isimada iyo hoggaanka Dhaqanka Puntland doorka ay ka qataan nabadda iyo xalinta khilaafyada marraka qaarkood ka dhaca degaannada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa la filayaa in kulamada uu sii wado kadibna uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.