Madaxweyne Xasan Sheekh oo xildhibaanada kala hadlay qodobo muhiim ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan Casho ahaa la qaatay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada sigaar ah ugala hadlay Arrimo ay kamid yihiin, Amniga, dhameystirka Dastuurka, hagaajinta Shaqada dowladda iyo Arrimaha doorashooyinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday Xildhibaannada inay qeyb ka noqdeen xoreynta dalka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab taas oo muhiim u ah howlaha shaqo ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaannada ayuu ugu baaqay inay Shaqada hagaajiyaan ayna gutaan xilli hore waajibaadkooda Shaqo sida fadhiyada Baarlamaanka oo kooram la’aan mararka qaar u baaqda, isaga oo Xildhibaannada ka codsaday inay shaqo badan geliyaan sharciyada horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kala hadlay arrimaha Abaaraha wuxuuna sheegay inay waajib tahay waxka qabashada arrimaha abaaraha si looga gudbo xaalada cuna yari iyo macluusha ee xilligaan kajirta meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

72 Saacadood ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeku Maxamuud uu Magacaabo Ra’iisul Wasaarihii bedeli lahaa Maxamed Xuseen Rooble…