Madaxweynihii Afghanistan oo ka baxsaday caasimada Kabul

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa iscasilaya kadib wada xaajood uu la galay Taalibaan.

Laba sarkaal ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay

Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa noqon doona madaxweynaha cusub ee Afgaanistaan ee taliska Daalibaan.

Goor sii horreysay, wafdiga Daalibaan ee uu hoggaaminayo Cabdul Ghani Baradar ayaa gudaha u galay madaxtooyada kadib markii Taliban ay billowday weerarka Kabul.

Wararka ayaa sheegaya inuu gaaray dalka deriska ah ee Tajikastan.

Taliban ayaa maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxayna dowladda ka dalbatay inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Bayaankiisa, wakiilka Daalibaan Zabiullah Mujahid wuxuu ku sheegay in Taliban aysan xoog ku qabsan doonin caasimadda.

Taliban ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxweyne Ashraf Ghani in uu isa soo dhiibo si looga fogaado dhiig daata.