Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo maanta xildhibaanimo loo dhaariyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka socda kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, waxaana kulanka hortegay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa ajendihiisu yahay doorashada Guddoomiyaasha Guddiyada joogtada Golaha shacabka iyo dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowladda u dhaariyay inuu noqdo Xildhibaan Abadiya ah ah oo ku noqonaya Golaha Shacabka 277, isaga iyo Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhaariyay sanadkii 2017.

XildhibaanCabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka dhankiisa ayaa sheegay in uu kamid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mooshinka gudbiyay, wuxuuna sheegay in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa Mas’uulkii bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Bishii December askar badana looga dilay.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay cafis ka dalbadeen, balse Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo mas’uul ka ahaa uusan weli ka hadlin.

Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG ayaa waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, iyadoo muddadii Xil heyntiisa dhammaa.