magaalooyiin qarniyo hore jiri jiray oo laga helay Puntland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xalay magaalada Garowe lagu soo bandhigay Cilmi-baaris cusub oo lagu ogaaday magaalooyin qarniyo hore jiri jiray oo halkaasi ku yaalla.

Saddexdan magaalo oo qarniyo ka hor jiray ayaa laga heley gobolka Nugaal kuwaas oo lagu kala magacaabo Xundhurgaal, Xabgaal iyo Xananley.

Cilmi-baaristan ayaa waxaa sameeyay aqoonyahan Saciid Shiidaad Xuseen, oo sheegay in muddo uu ku howla’naa arrintan.

Mr Saciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in cilmi-baarista uu sameeyay ka dib xogo magaalooyiinkan qadiimiga ah ku saabsan oo uu horey u helay.

“Markii iigu horeysay waxaan ka ogaaday magaalooyiinkan cilmibaaristu ku saabsan tahay waxay ahayd magaalada uu Al-idiriisi uu ku magacaabay (Badda) sanaddii 1150-kii oo tilmaamtii dhacday bartamaha waqooyi ee Nugaal taas ayay ahayd wixii iigu horeeyay ee aan ogaaday,” ayuu yiri Mr Saciid.

Waxaa uu intaa ku daray in magaalooyiinka uu cilmi-baarista ku sameeyay ay ahaayeen kuwa jiray 4 qarni ka hor.

“Daraasadda waxaan ku balaariyay magaalooyiinka burbursan ee noocaasi ah ee 4 qarni ka hor jiray” ayuu intaa ku daray.

Saciid Shiidaad Xuseen ayaa sheegay in muddo ka badan 5 sano uu daraasadan waday islamarkaana uu meelo kala duwan booqday.

“Baaritaanku intaa wuu socday sababtoo ah baaritaanku wuxuu u baahan yahay in goobaha la tago in loo fiirsado waxaan oran karaa ilaa sanadkii 2014 waan waday daraasadan,” ayuu yiri.

Saciid Shiidaad Xuseen ayaa sheegay in magaalooyiinkan ay ku yaallaan goobo ka tirsan gobolka Nugaal gaar ahaan agagaarka Garowe.

“Magaalada Xundhurgaal oo markii ugu horeysay aan ogaaday, 60 KM ayaa waxay ka jirtaa waqooyi bari magaalada Garowe oo magaalada hadda Cuun la yiraahdo ee harada loogu magac daray ayay u dhaw dahay,” ayuu yiri.

Labada magaalo ee kale ee qaddiimiga ah ayaa waxaa uu sheegay in iyaguna ay ku yaallaan dhanka bari ee Garowe.

“Labada magaalo ee kale magaalada kama foga oo waxay ka jiraan dhinaca bariga dooxada Labi-duleey la yiraahdo dhinaceeda waqooyi ayay ku yaalaan,” ayuu intaa ku daray

Saciid Shiidaad Xuseen oo aan wax ka waydiinay sida uu ku ogaaday magacyada saddexda magaalo ayaa sheegay in magacyadan aysan ahayn kuwii horey loo oran jiray, balse uu uga magac-daray goobaha ka ag-dhaw magaalooyinkan qarniyada ka hor la daganaa.

“Magacyadii dhabta ahaa ee la oran jiray lama heli karo oo dhawr qarni ayaa ka soo wareegtay laakiin waa goobaha ugu dhaw, meesha ay hadda magaaladan waqooyi ee ku taalla Xundhurgaal buurta salkeeda ay ku taallo Xundhurgaal ayaa la yiraahdaa, labada magaalo ee kalana ceelasha meesha ku yaalla Xabgaal iyo Xananley waa ceelal laga cabo weeye,” ayuu intaa ku daray.

Source: BBC