Magacyada dadkii ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Xayaat.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan.

In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo xaaladdiisa Caafimaad lala talaacayo.

Ganacsade Cabdirahman Xassan Iiman milkilihii hoteelka la weeraray, Sheekh Maxamed Baabili, Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad Barrow iyo dad kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhaawacmay uu kamid yahay Nabadoon Bootan Ahmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maamulka Galmudug  Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Daahir Caga Dahab, waxaana la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo.

Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay hotelka kasoo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah, kuna go’doonsanaa gudaha hotelka Xayaat oo ku dhow hotelka Saxafi ee Muqdisho.