Mahad Salaad oo isbadalo waaweyn ka bilaabaya hay’adda NISA

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Salaad, ayaa wali ku guda jira qorshayaashiisa dib u habeyn ee NISA, xilli uu durba xilalka ka xayuubiyay qaar ka mid ah saraakiishii ku dhawaa Fahad Yaasiin.

Mahad wuxuu shalay amar ku bixiyay in ilaaladdii Fahad oo ku sugan guri uu ka degganaa gudaha Madaxtooyada ay ku soo xaroodaan xarunta Habar-khadiijo, oo ah taliska ugu weyn ee hay’adda, taasoo muujineysa culeyska qorshayaasha hortabinta u leh, Mahad.

Sida ay xoguhu tilmaamayan, saraakiil xilal sare ka hayay hay’adda, oo uu ku jiro, Taliyihii Dabagalka NISA, Cabdullahi Daahir (Dheere), ayaa durba dalbaday in ay xilalka iska casilaan, hayeeshee, ma cadda in Mahad Salaad aqbalay dalabkooda is casilaadda.

Dhawaan ayaa sidoo kale, la filayaa in ay soo baxaayn shaqsiyaad hor leh oo laga raacdeeyay shaqada hay’adda, waxayna KON, fahansan tahay in si hoose loo magacaabay, Agaasimaha Qorsheynta & Tiknoolajiyada NISA, iyo Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha.

Horey ayaa saraakiil iyo ciidan dharcad u badan oo NISA, u qaabilsanaa garoonka diyaaradaha ayaa xabsiga loo taxaabay saddexdii maalin ee la soo dhaafay, halka kuwo kale, dib loogala laabtay aqoonsiyadii hay’adda iyo hubkii ay ku howl-galayeen.

Agaasimaha cusb ee hay’adda, Mahad, wuxuu muddo dheer ku soo jiray Baarlamaanka DF, gaar ahaan Golaha Shacabka, waxaana si weyn isha loogu hayaa, sida uu u maamulo NISA, oo sanadihii la dhaafay u xuub siibatay hay’ad gabood-fallo siyaasaded ku suntay.