Mahad Salaad Oo Shaki Geliyey Inay Soomali Yihiin Ciidamadii Shalay Laga Dejiyey Gedo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhiban Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa shaki geliyay inay Soomali yihiin Ciidamadii shalay ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow.

Qoraal uu Xildhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku yir” Qolodaan Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Afawerki Asmara nooga soo diray?

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay degmada Dooloow ee gobolka Gedo geeysay Ciidamo farabadan, waxaana arrintaasi ay kusoo aadeysaa xilli uu xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ka taagneyd halkaasi.