Mahadi Guuleed oo ka dhabeeyey balantii wareega kowaad iyo Mucaaradka oo jahwareersan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa horey unsheegay in wareega koowaad ay ku guuleysan doonaa doorashada Soomaaliya ee 2021-2022.

Hadalkan oo horey u sheegay Mahdi ayaa aad waxaa u dhaliilay Musharaxiinta Mucaarad balse doorashadii maanta uu isagu wareega koowaad ku qaaday ayay mucaaradka soo dhaweeyeen, ayagoo u jeeday in doorashadu aan si xalal ah u dhicin.

Midowga murashaxiinta mucaaradka ayaa umuuqda inay ku dhaceen siyaasad ahaan qiyaano weyn iyadoo lasoo sheegayo in nabad iyo nolol istaraatiijiyad ay diyaarsatay ay ugu hambalyo direen.

Doorashada Golaha Shacabka ee maanta bilaabatay ayaa ah mid isha lagu wada hayo habka mucaaradka iyo muxaafadka ay ukala heli doonaan kuraasta 275-ka mudane.

Qoraalo ay soo saareen xubnaha ee ay soo marsiiyeen mareegtooda facebook ayey ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan xubnaha la doortay maanta uu ka mid yahay Mahdi Guuleed Khadar R/wasaare kuxigeenka soomaaliya oo xildhibaanimo baarlamaanka 11aad loo doortay.

Arrintaan ayaa u muuqato mid Musharaxiinta Mucaaradka ay horey ugu digeen ayna imbafan ka hadleen balse maanta dhacday ayna aqbaleen.