Mahdi Guuleed oo markan u tanaasulay Cabdi Xaashi iyo Rooble oo ku guuleystay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khilaafkii soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa xal laga haaray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay labadan Mas’uul ee ugu sareeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana la isku afgartay in arrimaha mad-madowga ka dhex jira la dhammeeyo, horayna loo socdo.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Waxaana markii u dambeysay lagu heshiiyay in labada dhinac wadajir u maamulaan doorashada xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.